Dambiga Dowladnimado iyo Dunuubta Damuljadiid?

Qaaradda quruntay ee Afrika, talis walba oo mujrim ah wuxuu leeyahay dad u cudurdaara, dad indhaha ka qabsada munkarkiisa iyo musiqiisa oo yiraahda ‘ha la daayo’ iyo dad si joogto ah been ku ammaana. Kuwaasi maalinba uu taliskaasi dhaco ayay afka furtaan. Waxay yiraahdaan ‘annagu qarankaan taageereynay oo qarannimadaan ka eegeynay’, iyagoo og inaan qaran jirin, isla markaana qarannimo meesha oolin ee waxa lagu hayey ay ahayd waxa qaramada Afrika u burburaan (personalistic, clientelist and clanistic states). Taliska Xasan Sheekh Maxamuud waqtigiisu waa gebo-gebo, waxayna ila tahay inaan waqtiga la isaga luminin taageeradiisa ee la taageero dadka is-beddeldoonka ah ee doonaya in waddanka sida uu yahay ay wax weyn ka beddelaan.

Waxaa soo baxay dad dacaayado la wareegaya Xamar dhexdeeda oo leh ‘Xasan Sheekh ayaa soo noqonaya’. Markaad weydiiso ‘muxuu ku muteystay inuu soo noqdo?’, waxay si indha-adeyg ah kuugu jawaabayaan ‘lacagtiisa’. Haddii aad sii weydiiso ‘lacagta xagguu ka keenay?’, kaama qarinayaan, waxayna ku leeyihiin ‘dowladda!’. Haddii aad sii dirqisid oo aad tiraahdid ‘dowladda yaa iska leh?’, kuuma jawaabi karaan. Waxaa dadkaasi laga dhaadhiciyey in dowladdu ay tahay hanti uu iska leeyahay ninka iibsada kursiga madaxtooyada, kana quudiya saaxiibadiis iyo qaraabadiisa.

Camal weliba waa wixii la niyeysto, sida diinteennu noo sheegtay. Haddaba, haddii la aamino inaan is-beddel la helaynin, lama helayo is-beddel. Waajibka saaran mutacallimiinta Soomaaliyeed waa inay codkooda kor u qaadaan oo dadweynaha dacdarreysan baraarujiyaan, una macneeyaan inaysan dalka ka jirin wax la yiraahdo ‘dowlad’ iyo ‘qaran’ midna. Taas oo sababteedu tahay inaan ‘dowladdu’ ka wada talinin Xamar oo qura. Sida la ogyahay, haddii maqribkii la gaaro Xamar waxaa haysta Al-Shabaab oo ganacsatada waaweyn iyo kuwa yar yar ee magaalada canshuur si joogto ah uga qaata. Waxaa la qiyaasaa inay habeenkii soo ururiyaan ugu yaraan hal milyan oo dollar.

Dowlad waxay leedahay hab loo miisaamo ama loo cabbiro (certain measurements). Haddii aan ka eegno Weberian state system, waxaa ugu horreeya inay awood u leedahay inay xuduudaheeda u xiran yihiin. Haddii aan ka eegno developmental aspect, waa inay awoodi kartaa inay ku yaboohdo amni ay helaan shacabkeeda, daryeel caafimaad iyo mid waxbarasho. Ma ‘dowlad’ intaas iyo wax u dhow fulin karta ayaa ka jirta Xamar, mise maafiyo ka lacageysanaysa ‘dowladnimada’ lafteeda? ‘Dowlad’ aan ka talin Xamar gudaheeda, iska dhaaf inay xuduud soo xiratee, sideen ugu tilmaami karnaa ‘dowlad’? Hal-beegga aan isticmaaleyno si aan u dowladeyno waa hal-beeg noocee ah? Mise waxaan u sameynaynaa qiil cusub oo waxaan u raadinnaa halbeeg kale iyo mid ku cusub caalamka oo aan la aqoon ayaan u sameynaa?

Soomaaliya dowlad kama jirtee, waa in la raadiyaa dowlad sidii ay dadkeenna iyo dalkeennu ku heli lahaayeen. Waxaa la yaab leh in maafiyada fadhisa Xamar – ee qarannimadii la baadigoobayey ee Soomaaliyeed u rogay wax ay dhaqaale ku urursadaan – ay isu diyaarinayaan inay laaluush ku sii fadhiyaan Villa Somalia. Kuwaasi waxay dadka ugu neceb yihiin qof kasta oo ay u arkaan inuu ka cilmi iyo caqli badan yahay. Kuwaasi waxay dadka ugu jecel yihiin kuwa caqliga iyo cilmiga yar, waayo waa kuwaas kuwa ay ku soo dumi karaan laaluushka iyo lacagta. Waxaa fuleynimo ah inay si joogto ah ugu tumanayaan sharafta iyo karaamada qof kasta oo Soomaali ah oo muxtarim ah.

Haddaba, ha la yaabina haddii ay Xamar isugu soo haraan maafiyada iyo kuwo kale oo aan waxba dhaamin oo doonaya inay meesha ka ritaan oo ay sii wadaan howlaha maafiyada. Ummadda Soomaaliyeed, ma oggolaanayso xukun dambe oo maafiyo oo ka lumiya afar sano oo dambe. Sida keliya ee ay ummaddu sharafteedii iyo karaamadeedii ku soo ceshan karto waa kacdoon shacab, dadkuna waa diyaar-goroobeen. Waxaase laga war-sugayaa natiijada doorashada. Haddii sheekadu sii ahaato ‘jug jug meeshaada joog’, ma noqonayso mid ay maafiyadu u aayi doonto.

Mohamed Haji Ingiriis wuxuu shahaadada PhD ee taariikhda iyo daraasaadka Afrika ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford, isagoo ku taqasusaya mawduuca dowladnimada iyo qaran burburay dib u dhiskiisa. Wuxuu kaloo cilmi-baare ka yahay Jaamacadda King’s College London. Waxaa lagala xiriiri karaa: ingiriis@yahoo.com

W/Q: Maxamed Xaaji Ingiriis

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com