Dam-Jadiid oo diyaarsaday ciidan qarsoon oo halis ah + Qorshaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbahaysiga Dam-Jadiid ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa diyaariyay qorshe qatar ah oo caqabad ku noqon kara musharaxiinta la tartamaya madaxweynaha iyo taageerayaashooda, kaasi oo ah ciidan gaar ah oo u eg nabad sugidda qaranka laakiin aan ahayn oo la siiyay un labiskooda.

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, ciidankan ayaa si toos ah uga amar qaata hogaamiyaha ruuxiga ah ee kooxdaas ay u xilsaartay ciidanka oo lagu magacaabo Zakariye horeyna u ahaa madixii amniyaadkii Alshabaab ee dilalka qorsheysan.

Ciidamadan qarsoodiga ah ayaa la rabaa inay howl galo xilliyada dambe ka fuliyaan goobaha ololaha ee musharaxiinta, iyaga oo sidoo kalena maleeshiyada al-Shabaab u fududeeynaya weeraro lagu qaado xarumaha abaabulka musharixiinta loo arko inay caqabad ku noqon karaan dib u doorashada madaxweynaha xilligan ee  Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaalada Muqdisho hadda waxaa jira wel wel ay qabaan kooxaha mucaaradka, iyaga oo qaarkood shaki galinaya inay dhacdo doorasho madax banaan, waxaana jira caga jugleyn ay saraakiisha madaxtooyada qaarkood ay ku hayaan dadka u ololeynaya musharixiinta aadka loo hadal hayo sida Shariif Shiikh Axmed, Maxamed Farmaajo iyo Cabdiwali Shiikh.

Caasimada Online ayaa horey u shaacisay in madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu ka baaqday inuu tago Muqdisho kadib markii la ogaaday inuu jiro qorshe la doonayo in lagu khaarijiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com