Danjire Key: DFS waxaa heysata hal dhibaato oo weyn taasi oo ah…!

Nairobi (Caasimada Online) Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Key ayaa ka hadlay arrimo badan.

Mr. Key oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in uu aad uga faraxsan yahay guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay arrimaha siyaasadda iyo horrumarka dalka, balse wuxuu sheegay in dhibaatada ay wajaheyso ay tahay ammaan darida.

Mr. Key oo warbixin ka siiyay golaha loo dhan yahay ee QM xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay dedaaladda ay ku dooneyso in ay ka gaarto arrimaha ku hareereesan.

Mr. Key ayaa wax laga weydiiyay hadal uu dhawaan sheegay xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, kaasoo ahaa in ciidamada AMISOM ay doonayaan in la siiyo diyaarado dagaal,wuxuu sheegay in uu weli socda dedaaladaas, isagoona intaas ku daray in golaha nabad galyada ee Midowga Afrika iyo Golaha ammaanka in ay arrimahaas hordhigi doonaan bisha October shirka loo dhan yahay ee golaha ammaanka.

Mr. Key ayaa sheegay in Al-Shabaab qaybo ka mid ah Muqdisho, ay ka fuliyaan weeraro taasna ay keeni karto in weli khataro ay ka jiraan caasimada Muqdisho.

Danjiraha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Al-Shabaab goobaha ay maamusho ay kala soo degaan hub iyo ganacsi, taasna wuxuu sheegay in ay tahay dhibaatada ugu ballaaran ee wajaheysa weli dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka New York