DEG DEG: Muqdisho waxaa ka socda…

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay, wuxuu sheegayaa in caawa howgalo ballaaran ay ka socdaan xaafadda Buulo-Xubeey ee nagaalada Muqdisho.

Qof diidday magaciisa oo la soo xiriiray xafiiska Shabakadda Caasimada Online, ee Muqdisho ayaa sheegay in ciidamado AMISOM ah, kuwa booliska iyo nabadsugida ay caawa howlgalo ka wadaan xaafadda Buula-Xuubeey ee degmada Wadajir.

Wuxuu qofkan goobjoogaha ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in howlgalada ay ka socdaan guri-ka guri, waxaana uu sheegay in lagu soo qabtay dad u badan dhallinyaro.

Ma cadda wax yaabaha ay ku saabsan yihiin howlgalada caawa ka socda xaafadda Buulo-Xuubeey ee magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid ka hadashay howlgalka caawa ka socda xaafadda Buulo-Xuubeey, balse waxaa saraakiisha ciidamada dowladda waxa ay lee yihiin waxaa halkaas lagu tuhunsan yahay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com