DEG DEG AH : Iska hor imaad caawa ka socda Kismaayo

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Kismaayo (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in goordhow laga maqlay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, iska hor imaad u dhexeeya ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMIOSM oo dhinac iyo ururka Al-Shabaab.

Sida ay lee yihiin goobjoogayaal aan la hadalnay iska hor-imaadka waxaa uu  ka socdaa garoonka diyaarada iyo dekedda Kismaayo.

Dadka magaalada ayaa maqlaya daryanka hubka, waxaana aan la ogeyn khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac maadama xilliga uu yahay habeen.

Isku hor imaadkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta qarax nooca miinada lagu weeraray kolanyo ay wateen ciidamada AMISOM kuwaasoo marayay xaafadda Via Afmadow.

Waxaa jira khasaaro uu geestay qaraxa lagu weeraray ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismayao.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

caasimada@live.com