Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in goordhow lagu dilay xaafadda Buulo-Xubeey ee degmada Wadijir xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online in xildhibaanka la dilay lagu magacaabo Xuseen Cabdisalaan.
Xildhibaanka ayaa la sheegay markii la dilaayay in uu ka soo baxay xarunta Jaamacadda Muqdisho ee xaafadda Buulo-Xubeey.
Ma jirto koox sheegatay dilka xildhibaanka, mana jirto cid ilaa hadda ka hadashay dilka xildhibaankan.
Wixii warar ah ee ku soo kala soco Shabakadda Caasimada Online
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

