DHAGEYSO: Al-Shabaab oo sheegatay weerarkii NAIROBI ee lagu la’day

Nairobi (Caasimada Online) – Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkii Xarunta Westgate oo ah xarun Ganacsi oo ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo dad badan lagu dilay.

Afhayenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere, ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid in muddo ah ay qorsheynayeen, isagoona tilmaamay in ujeedkii iyo guushii ay raadinayeen ay ka gaareen .

Cali Dheere, Wuxuu sheegay in maanta saacadu markii ay aheyd 12-kii Duhurnimo inay la wareegeeen Xarunta Westgate oo ah xarun Ganacsi  kadib weerar qorsheynaa oo ay ku qaadeen .

Waxa uu sheegay in weerarkaas ku dileen in ka badan 10o qof oo u badan ajaaniib iyo wax ay ugu yeereen cadowga Islaamka, inkasta oo tirada rasmiga oo ay Caasimada Online heyso ay taas ka yar tahay.

Afahayeenka Shabaab, wuxuu sheegay in Daagaalyahano iyaga ka tirsan inay weerarka ka dambeeyeen isagoona shaaca ka qaaday in danta ay ku qasabtay Kenya inay Taankiyadeeda iyo Diyaaradaheeda dagaalka  soo kiciso .

Cali Dheere, wuxuu sheegay in tan ay cashir lama iloobaan ah u noqoneyso Kenya oo uu ku eedeeyay inay xoog  ku heysato dhul ay Soomaaliya  leedahay oo uu sheegay in ay ka mid yihiin Dekedda iyo Garoonka Diyaaradha Kismaayo.

Shacabka Kenya ayuu sheegay inay dhibtan ku jiri doonaan inta ay ciidamadoodu Soomaaliya joogaan , waxaana uu daaha ka rogay in marna aysan joojin doonin weerarada Kenya ay ka geysanayaa inta Kenya ciidanleedu ay  ku sugan yihiin dhul ay soomaali leedahay .

Weerarka ayaa sida la sheegay waxaa ku nafwaayay ku dhawaad 30 qof waxaana sidoo kale weerarkaas ku dhaawacmay  ku dhawaad 100 ruux , waxaana wali la sheegayaa in dad wali lagu heyto gudaha xarunta ganacsi ee Westgate.

Dadka dhibka gaaray waxaa ka mid ah ajaaniib, waxaana waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ay sheegtay in dad Mareykan ah ay ku dhaawacmeen weerarka, inkasta oo khasaaraha badankiis uu yahay Kenyan.

Weli dableyda soo weerartay goobta suuqa ayaa ku jira dhismaha, waxaana weli ku hareereesan ciidamada booliska oo adeegsanaya diyaarado iyo baabuurta dagaalka.

Waxaa goobta uu weerarka uu ka dhacay maanta wali dul heehaabaya ,waxaana wariyaasha lagu amray inaysan usoo gudbin xaruntaas meel 20 tilaab u jirtana loo calamadeeyay inay ku ekaadaan .

Sidoo kale waraku waxay sheegayaan in Gawaarida Soomaalida ay u taqaan Beebayaasha oo ay ciidamadu adeegsadaan inay goobta ku sugan yihiin isla markaana arintu ay faraha lasoo galeen ciidamada Militeariga Kenya ooo qeyb ka qaadaya bad baadinta dad ku jira wali xarunta ganacsi.

Ma cadda tirada kooxda weerarka ku soo qaaday xarunta suuqa ee Nairobi

Dhageyso Hadalka Cali Dheere

Daawo weerarka Nairobi

Caasimada Online

Xafiiska Wararka  Nairobi

Caasimada@live.com