DEG DEG AH: Aqalka Cad oo ka hadlay wararka sheegaya in Somali-American ay qeyb ka yihiin weerarka West Gate

Washington DC (Caasimada Online) – Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in saraakiil Mareykan ah ay si hoose ula socdaan dadaallada kooxda Al-Shabab ay dagaal yahanno uga qoraneyso gudaha Mareykanka, balse illaa iyo hadda aysan hayn wax akhbaar ah oo xaqiijinaya in Soomaali Mareykan ah ay ku lug lee yihiin weerarka West Gate ee Nairobi.

“Illaa iyo hadda waxaan aragnaa kaliya warbixinada ka imanaya kooxda Al-Shababa….waana inaan baarnaa kuwaas” Waxaa sidaas yiri ku xigeenka la taliyaha dhinaca ammaanka ee aqalka cad ee madaxweyne Obama Ben Rhodes.

“Waxaan si taxaddar leh isha ugu heynaa oo aan in muddo ahna ka walaacsaneyn dadaallada kooxda Al-Shabab ay dad uga qoraneyso gudaha Mareykanka, ama ay dad Mareykan ah ku geeneyso Somalia” ayuu Rhodes u sheegay weriyayaasha isaga oo Madaxweyne Obama usii raacaya xarunta QM ee New York.

Dhinaca kale, Rhodes waxa uu sheegay in FBI-da Mareykanka ay waddo baaritaan la xiriira dadka Somali-American-ka ah ee la sheegay inay qeyb ka yihiin kuwa qabsaday xarunta West Gate.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com