Taliska booliska oo bedalay waqtiga bandowga la gelinayo MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheeciyay in la kordhiyay waqtiga uu dhaqan-gelayo Bandowga caawa lagu soo rogayo magaalada Muqdisho.

Dadweynaha ayaa loo ogolyahay in caawa wixii ka horeeya 1:00 AM ay adeegtaan oo magaalada meeshii ay doonaan ay maraan, iyadoo markii hore uu waqtigu ku ekaa 9:00 PM.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Taliyaha booliska Soomaaliya Jeneraal Xijaar ayaa baahisay in Taliyuhu uu sheegay in iyadoo loo damqanayo bulshada la kordhiyay saacadaha ka dhiman waqtiga bandowga, si howlahooda muhiimka ah ay dadku u qabsadaan.

Sidoo kale taliyaha wuxuu xusay in aan la celin doonin Xildhibaanada heysta ID-card baarlamaanka Soomaaliya iyo dadka xaaladaha caafimaad ee deg-degga ah u baahan, kadib marka ay hubiyaan ciidamada amniga.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa ku boorriyay qeybaha bulshada in ciidamada amnigu ay ku gacansiiyaan gudashada wajibaadka qaran ee loo igaday.

Axadda berri 8:00 AM ayaa lagu xaroonayaa hoolka doorashada ee teendhada Afisyooni, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada, waxayna doorashadu bilaaba doontaa 10:00 AM