Daawo: Booliska oo bandow kusoo rogay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in laga bilaabo 9:00 fiidnimo ee caawa bandow lagu soo rogay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo ku ekaan doono aroorta hore ee Isniinta.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay deganaan muujiyaan, isla-markaana ay dul qaataan inta ay dhaceyso doorashada madaxweynaha.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday inay soo adeegtaan galabta, isla-markaana ay guryahooda ku nagaadaan, inta ay xiran yihiin waddooyinka.

“Waxaa lagama maarmaan noqotay in la sugo ammaanka guud ee dalka xilliga lagu jiro doorashada madaxweynaha” ayuu yiri Gaashanle Cabdifitaax.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa intaasi ku daray in ciidamada ammaanka la geliyey heegan buuxa, isla-markaana ay adkeyn doonaan ammaanka inta ay socoto doorashada.

Sida uu qorshuhu yahay doorashada madaxweynaha ayaa dhaceysa beri oo Axad ah, kuna beegan 15 ka bishaan May, iyada oo loolan adag loo geli doono xilka madaxweynaha.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan doorashada madaxweynaha ee beri ka dhaceysa caasimada.