Deg deg :-Dagaal xoggaan oo ka socda duleedka Degmada Balcad

Balacad (Caasimadda Online) – War Goordhow soo gaaray Caasimadda ayaa waxa uu sheegayaa in meel  u dhow tuulada gololeey ee degmadaasi Balcad uu ka socdo dagaal culus.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu u dhaxeeyo ciidamo ka tirsan kuw AMISOM iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ka hor ayaa la sheegay in Ciidamada AMISOM lala eegtay qarax Miinada nooca dhulka lagu aaso ah isla markaana ay xigtay rasaas xooggan oo dadka deegaanka ay maqlayeen.

Dagaalka ayaa sigaar ah wax auu uga socdaa deegaan lagu Magacabo Ilbaq oo u dhaxeeya Tuulada Gololeey iyo Ceelka Geeloow oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya.

Dhank kale Darawalkii gaari kuwa xamuulka qaada ah ayaa ku dhintey kaaliyihiisana wuu ku dhaawacmay kadib markii saaka ay miino kula qaraxday gaari ay wateen duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Gaarigan oo saaka ka tegey degmada Balcad ayaa marayay halka loo yaqaan Haan Shiiq oo dhinaca Waqooyi qiyaastii 7km ka xigta degmada Balcad xilligii ay miinadu la qaraxday.

Meydka darawalkii gaariga oo la oran jirey Bishaar oo ahaa nin dhalinyaro ah oo degen degmada Balcad iyo kaaliyihiisii ayaa la geeyay degmada Balcad.

Halka ay miinadu kula qaraxday gaarigan oo ahaa nooca Daynada loo yaqaan ayaa waxaa hore ay miino ugula qaraxday gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga Soomaaliya hase yeeshee waa markii ugu horeysay oo gaari dad rayid ah ay wateen ay miino kula qaraxday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.coma

- Sponsored Ads -