DF oo war cusub kasoo saartay dibad-baxa Sabtida kadib markii mucaaradka ay diideen soo jeedinteeda

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa lagu shaaciyey in dowladdu ay mucaaradka ka dalbatay in banaanbaxa u qorsheysan lagu qabto garoonka kubadda cagta ee Eng. Yariisow oo laga waareejiyo fagaaraha Daljirka, balse ay ka biya diideen soo jeedintaas.

Xukuumaddu waxay ku sheegtay qoraalkaan in dalabkaas ay uga gollaheyd in la helo fursad lagu xaqiiji karo habraacyada xakamaynta COVID-19, laakiin hadda ay ogolaatay markii mucaaradku ku adkaystay fagaaraha tallada Daljirka Dahsoon.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa intaas ku sii daray, “Bilowgii, Xukuumaddu waxay u soo jeedisay mucaaradka in ay mudaharaadkooda ku qabsadaan Eng Yariisow Stadiyoom si loo xaqiijin karo habraacyada xakamaynta COVID-19 ee waajibka ah, laakiin markii mucaaradku ku adkaysteen fagaaraha Daljirka Dahsoon xukuumaddu iyada oo tixgelinaysa heshiisyadii la wada gaaray waxay ogolaatay dalabkii mucaaradka.”

Ugu dambayntii xukuumadda xil-gaarsiintu waxay fartay qaban qaabiyayaasha mudaharaadka, inay dibadbaxayaasha ku adkeeyaan soo qaadashada afxirka iyo kala fogaanshaha.

Warkaan ka soo baxay xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan ay Caasimada Online baahisay xogta shir natiijo la’aanta ku soo dhamaaday oo maanta ay isugu yimaadeen guddiga labada dhinac ee loo xilsaaray qaban-qaabada banaanbaxaas.

Shirkii maanta oo ahaa kii ugu horeeyey guddigan uu yeesho ayaa lagu kala tegay, kadib markii garabka metelaya dowladda uu soo jeediyey in banaanbaxa laga bedelo taallada Daljirka Daahsoon, halka garabka mucaaradkuna uu ku adkeysta Daljirka.

Hadda sida ku cad qoraalkan dowladdu waxay u ogolaatay mucaaradka in fagaaraha Daljirka ay ku qabsadaan banaanbaxa , kaas oo qorshuhu yahay inuu dhaco maalinka Sabtiga ah ee 6-da bishan.