Guddiga doorashada oo soo saaray hab-raaca amniga doorashada madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Baarlamaanka ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray hab-raaca amniga doorashada iyo sida ay xildhibaanada iyo musharixiinta ku gaarayaan hoolka ay ka dhaceyso doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in la diyaariyey saddex albabaab oo ay ka geli doonaan marti sharafta, musharixiinta, xildhibaanada Laba Aqal iyo Marti sharafta, waxayna Albaabada laga galayo kala yihiin School Policia (Marina Gate), Main Gate iyo Madina Gate.

Dhammaan musharixiinta ayaa loo asteeyey inay kasoo galaan albaabka Madina Gate, halkaas oo ay kaga soo tagayaan gawaaridooda dagaalka, ciidanka iyo Gawaarida kale, waxaana halkaas ka qaadi doono Basas VIP ah oo loo diyaariyey.

Xildhibaanada Labada Aqal, marti sharafta iyo shaqaalaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa loo asteeyey inay kasoo galaan Ablaabka Marina Gate ( School Policia) iyo Main Gate.

Qodobka Sedexaad ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha xilka hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo ogol yahay inuu hoolka lasoo galo 3 qof oo kala ah:

  1. Askariga Astaanta Qaranka
  2. Qof hab-maamuska ah
  3. iyo Qof codadka u tiriyo

Musharixiinta madaxweynayaasha soo noqday waxaa loo ogol yahay labo qof inuu hoolka la soo galo, hal qof oo hab maamuus iyo hal qof oo codka u tiriyo, halka Musharaxiinta kale loo ogolyahay hal qof oo ah kan codka u tirinaya.

Guddiga ayaa sidoo kale hab-raaca amniga ku sheegay in dhammaan albaabada la dhigay magacyada xildhibanada Labada Aqal, musharixiinta, Shaqaalaha Baarlamaanka, Marti sharafta iyo warbaahinta.

Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in saxaafadda loo diyaaryey hool gaar ah oo loogu diyaariyey shaashado ay ka tabayeen doorashada.

Marka laga soo tago qodobada aan kor kusoo xusnay, waxaa sidoo kale habraaca ku jira qodobo kale oo aad u adag oo lagu ilaalinayo hufnaanta doorashada madaxweynaha.

Halkaan hoose ka akhriso hab-raaca oo dhamesytiran