Aqriso: Heshiis ka kooban 6 qodob oo ay kala saxiixdeen Rooble iyo Mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda lasoo gaba-gabeeyey shirkii Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho uga socday Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle iyo golaha midowga musharraxiinta Soomaaliya, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed.

Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa warbaahinta u akhriyey lix qodob ay ku heshiiyeen garabka uu hoggaaminayey Ra’iisul wasaare Rooble iyo musharaxiinta mucaaradka ah, kuwaas oo kala ah.

  1. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay wixii ka dhacay Magaalada Muqdisho 19-kii Febraayo 2021, waxayna uga tacsiyeyneysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Midowaga Murashaxiinta ee waxyeelladu ka soo gaartay, waxaana la isla gartay in Ioo saaro guddi madaxbannaan oo baaritaan ku soo sameeya sidii ay wax u dheceen.
  2. Sida uu qabo qodobka 20aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS, Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo bannaabax si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo. Sidaas darteed Xukuumada Federaalka Soomaaliya waxay damaanad qaadaysaa in ay ilaalineyso xuquuqdaas dastuuriga ah.
  3. Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiintu waxa ay ka wada shaqeynayaan sidii Ioo qaban Iahaa bannaanbax si nabadgelyo ah ku dhaca, iyadoo dowladdu ilaalineyso amniga iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed.
  4. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiintu waxa ay isla garteen in dib Ioo dhigo mudaharaadkii qorsheysnaa maalinta Jimcaha ee ku beegan 26 Febaraayo 2021.
  5. Bannaanbaxa dib loo dhigay waxa uu ku dhici doonaa muddo 10 cisho gudohood ah, waxaana loo xil saaray guddi wadajir ah.
  6. Waxaa la isku afgartay in arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka wadahadalladooda la sii wado, si loo gaaro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.