Xog: Maxaa lagu xaliyey is-mari waagii Afisyoone?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ku sugan teendhada Afisyooni waxaa hadda is faham laga gaaray is qabqabsigii salka ku hayey codeynta xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq.

16-ka Xildhibaan ee laga soo doortay Ceelwaaq ayaa laga reebayaa codeynta doorashada guddoonka golaha shacabka, maadaama aysan heysan aqoonsiga golaha ee ID-carka.

Sidoo kale Taliyaha KMG ah ee NISA ayaa lagu dhaariyey hoolka, balse ma codey doono, isaga iyo xildhibaan kale oo HirShabeelle laga soo doortay, maadaama aysan heysan ID-cardka golaha shacabka.

Waxaa meesha laga saaray oo aan lagu soo hadal qaadin kulamadii wadaxaajoodka xubnihii kooxda Farmaajo ay ku soo dhiseen Garbahaarey, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin qeyb ka ahaa xal u raadinta is qabqabsigaan.

Waxaa lagu wadaa in goordhow la guda galo doorashada guddoonka golaha shacabka, sida uu shaaciyey guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad.

Waxaa la xaqiijiyey inay caawa codeynta ka harayaan xildhibaanadii lagu soo doortay Gedo, Yaasiin Farey, xildhibaan kale oo HirShabeelle laga soo doortay, kuna sugan hoolka, balse aan heysan ID-card iyo kuraas aan weli lasoo dooran oo ku dhiman HirShabeelle.