Addis Ababa (Caasimada Online) — Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii dalka ka cayrisay diblomaasi ka tirsan safaaradda Masar ee Addis Ababa, iyadoo siisay 48 saacadood inuu kaga baxo dalka, xilli xiriirka labada dal uu wajahayo xiisado sii xoogeysanaya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa qoraal diblomaasiyadeed oo ku taariikheysan 1-da October ku sheegtay in Ahmed Moharam Ahmed Soliman, oo ka tirsan shaqaalaha diblomaasiyadeed ee safaaradda Masar, loo aqoonsaday persona non grata — oo macnaheedu yahay qof aan dalka laga rabin.
“Wasaaraddu waxay halkan ku ogeysiinaysaa safaaradda in Ahmed Moharam Ahmed Soliman loo aqoonsaday persona non grata,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in Soliman laga doonayo inuu Itoobiya uga baxo 48 saacadood gudahood.
Itoobiya ma aysan sheegin sababta ay diblomaasiga Masar u cayrisay, mana aysan soo bandhigin wax eedeyn gaar ah oo isaga ka dhan ah.
Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa xilli xiriirka Addis Ababa iyo Qaahira uu mar kale sii xumaanayo, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan muranka webiga Nile iyo biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ee GERD, halka Addis Ababa ay dhawaan Masar ku eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha.
Taliyaha ciidamada Itoobiya Field Marshal Birhanu Jula ayaa Axaddii ku eedeeyay Masar, Eritrea iyo Sudan inay taageerayaan xoogag dagaal kula jira dowladda federaalka Itoobiya, oo ay ku jiraan Tigray People’s Liberation Front (TPLF).
Birhanu ma uusan soo bandhigin caddeyn shaacsan oo taageereysa eedeymahaas.
Masar ayaa si adag u diiday eedeynta. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar Nader Zaki ayaa sheegay in siyaasadda dibadda ee dalkiisa ay ku dhisan tahay ixtiraamka madax-bannaanida dalalka iyo faragelin la’aanta arrimahooda gudaha.
“Siyaasadda dibadda Masar waxay ku dhisan tahay mabaadi’ adag, oo ay ugu horreeyaan ixtiraamka madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, iyo inaan lagu faragelin arrimahooda gudaha,” ayuu yiri Zaki.
Waxa uu intaas ku daray in eedeymo kasta oo shaki gelinaya mowqifkaas ay yihiin “kuwo aan sal lahayn”.
Xiisadda ayaa sii ballaaratay iyadoo dagaal culus uu mar kale ka qarxay waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan deegaannada ku dhow Tigray, Amhara iyo Afar, taas oo walaac cusub ka abuurtay mustaqbalka heshiiskii Pretoria ee 2022 lagu soo afjaray dagaalkii dowladda federaalka iyo xoogagga Tigray.
Tallaabo ka dhan ah Eritrea
Dhanka kale, Itoobiya ayaa isla Khamiistii qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Eritrea, iyadoo ku dhawaaqday inay xireyso safaaraddeeda Asmara isla markaana 10 diblomaasi oo Eritrean ah siisay 48 saacadood inay dalka kaga baxaan.
Addis Ababa waxay ku eedeysay diblomaasiyiintaas inay ku lug lahaayeen falal ay sheegtay inay khatar toos ah ku yihiin amniga qaranka Itoobiya.
Eritrea ayaa eedeymahaas diiday, waxayna ku dhawaaqday inay xiriirka diblomaasiyadeed u jareyso Itoobiya, iyadoo iyaduna Addis Ababa ku eedeysay siyaasado colaad ku dhisan.
Khilaafka Masar iyo Itoobiya ayaa sidoo kale muddo dheer salka ku haya biyo-xireenka GERD.
Qaahira waxay ku adkeysaneysaa in hawlgalka biyo-xireenka lagu saleeyo heshiis sharci ahaan waajib ah oo ilaalinaya saami-biyoodka dalalka hoose, halka Itoobiya ay ku dooddo inay xaq u leedahay ka faa’iideysiga Nile si ay u horumariso korontada iyo dhaqaalaha dalka.
Ilaa hadda, dowladda Itoobiya ma aysan xiriirin cayrinta Soliman khilaafka Nile ama dagaallada waqooyiga, mana aysan shaacin inay qorsheyneyso tallaabooyin kale oo ka dhan ah safaaradda Masar.

