Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay guddoomiyaha rasmiga ah ee Golaha Shacabka, kadib doorasho ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Jaamac ayaa kusoo baxay cod aqlabiyad leh, wuxuuna helay 142 cod, sida ay shaacisay guddoomiye Sacdiya Yaasiin oo ku dhawaaqday natiijada.
Sidoo kale, musharraxii la tartamayay ee Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada) ayaa helay 30-cod, kaas oo malxiis ahaan u galay tartanka.
Natiijada doorashadan ayaa horay loo sii ogaa, waxaana la filayay inuu kusoo baxo Jaamac sida dhacday, wuxuuna taageero ka helay Villa Soomaaliya.
Guddoomiyaha cusub ayaa beddalay Sheekh Aadan Madoobe oo dhawaan loo doortay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa horay xilal kala duwan soo qabtay, wuxuu hadda ahaa Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, horayna wuxuu usoo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.
Doorashada kadib waxaa isla goobta lagu dhaariyay guddoomiyaha cusub oo si rasmi ah ula wareegay guddoonka Baarlamaanka oo hadda ku jira kalfadhigiisii 8-aad oo uu dhawaan furay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Kalfadhigan oo doodo badan ay hareeyeen ayaa kusoo aaday, xilli ay taagan tahay xiisad u dhexeysa Villa Soomaaliya iyo mucaaradka, taas oo ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka oo ay isku hayaan labada dhinac.



