Janan oo si weyn loogu soo dhaweeyey Beled-Xaawo iyo DF oo war kasoo saartay

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa galabta gaaray Magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, kadib heshiiskii uu la galay dowladda federaalka.

Janan ayaa waxaa Beled Xaawo kusoo dhaweeyey wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya,  mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo ee dowladda sameysay iyo Shacab aad u badan

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlayey goobta lagu soo bandhigay Janan ayaa sheegay in dowladda ay si rasmi ah heshiis ula gashay janan.

Waxaa uu sheegay in Janan uu muhiim u yahay nabadda Gobolka Gedo, isla markaana uu gartay in uu u hiiliyo Qaranimada Soomaaliya, sidoo kalena ay dadaal ku bixisay dowladda Soomaaliya.

“Innaga oo ah wafdi ka socda DFS ayaan kula kulanay Wasiirka Duleedka Beledxaawo. Wuxuu ku yimid garasho uu wasiirku gartay in uu u hiiliyo Qarannimada iyo dedaal ay bixisay Dawladdu. Wasiirka waxaa wehliya Ciidamo badan kuwaas oo iyana ku biiriya Ciidanka Qaranka. Talaabadaan waa mid ka farxinaysa Qofkasta oo jecel Qarannimada Soomaaliya wuxuuna ka nixinayaa cidkasta oo cadaw ku ah Qarankeenna,” ayuu yiri Janan.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo wata Ciidamo farabadan iyo Gaadiidka dagaalka ayaa soo garay deganka Najax ee duleedka Beled-Xaawo, waxana u halkaasi kula kulmay wasiiro uu kamid yahay Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala kadibna waxaa la keenay Beled Xaawo.

Janan ayaa la filayaa inuu Beled-Xaawo kula kulmo taliyaha NISA Fahad Yaasiin waxayna wararka sheegayaan in loo soo gudbin doono Muqdisho si uu ula kulmo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.