Maleeshiyaad hubeysan oo la wareegay xarumaha doorashada ee Beledweyne

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen xarumaha loo asteeyay doorashada ee magaalada Beledweyne, xilli ay halkaas ka jirto xiisad ka dhalatay tabashada ay weli qabaan reer Hiiraan.

Maleeshiyada ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegtay mid kamid ah goobaha loo asteeyay in lagu qabto diiwaangelinta, maadaama haatan HirShabelle ay isku diyaarineyso doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ee maamulkaasi.

Cabdulqaadir Yuusuf Cilmi oo isku sheegay hoggaamiyaha maleeshiyaadka la wareegay xarunta doorashada ee  Beledweyne ayaa Universal TV u sheegay inay kasoo horjeedaan hannaanka loo wado doorashada HirShabelle.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay diidan yihiin in kuraasta loo xiro shaqsiyaad gaar ah, isagoo xusay in loo baahan yahay hannaan doorasho oo loo siman yahay.

“Dadka deegaanka oo hubaysan ayaa nahay, waxaan la wareegnay goobtii doorashadda loogu talagalay, dagaal ayaan ka xignaa in Beledweyne doorasho ku sheeg ay ka dhacdo, Xasan Sheekh waxaan la soconaa in kaarka uu siiyay Cali Guudlaawe,” ayuu yiri Cabdulqaadir Yuusuf Cilmi.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cosoble oo ka hadlay arrintan ayaa farriin u diray Xildhibaannada kasoo jeeda Hiiraan, isaga oo ugu baaqay inay ka hortagaan qorshaha guddiga doorashooyinka qaranka.

“Ku:Xildhibanada Xawadle waxa ay guddiga dorashooyinka ka shaqeynayaan waad aragtaan ee ka hortaga dulmiga ama xilka aad heysaan iska casila,” ayuu yiri Cali Cosoble.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maanta guddiga doorashooyinka qaranka uu shaaciyay in 30-ka bisha Sebtember loo asteeyey doorashada Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Maamulka HirShabelle.

Jadwalku wuxuu sidoo kale dhigayaa in 2-da Sebtember la shaaciyo liiska hordhaca ah ee diiwaanka codbixiyeyaasha, halka 15-ka Sebtember la asteyn doono lana shaacin doono xarumaha iyo goobaha codbixinta.

- Advertisement -

Read more

Local News