Maleeshiyo weerartay hotel ay ka socoatay doorashada golaha deegaanka Baraawe

Baraawe (Caasimada Online) – Maleeshiyo hubeysan ayaa weerar ku qaaday hotel lagu magacaabo Nadiir oo ku yaalla magaalada Baraawe, halkaasi oo ay ka socotay doorashada golaha deegaanka Baraawe.

Wararka ayaa sheegaya inay is-rasaaseyn dhex-martay maleeshiyada iyo ciidan ilaalo ka hayey hotelka, oo sugayey amniga doorashada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey illaa hadda, waxaa iska hor-imaadkaas ku geeriyooday hal qof, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof oo kale oo shacab ah, iyo askari ka mid ah ciidanka nabad-sugidda.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in maleeshiyada hubeysan ee weerarka soo qaaday ay yihiin kuwa beeleed, oo kasoo horjeeda dhismaha golaha deegaanka Baraawe. 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ay hakatay doorashada golaha degaanka degmada Baraawe oo shalay bilaabatay kadib is-rasaaseynta maanta ka dhacday degmadaas.

Dad ku sugan degmada Baraawe ayaa sheegay in goobta ay ka socotay dorashada amnigeeda ay a wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, si looga hortago dagaal markale ka dhaca halkaas.

Is-rasaaseynta ayaa timid xilii maalmahan ay magaalada ka jireen tabashooyin ka dhan ah golaha deegaanka oo ay muujinayeen qaar kamid ah beelaha dega degmada Baraawe.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la isku dayayo in maamulka magaalada loo gacan geliyo dad aan deegaanka u dhalan, taasi oo ka careysiisay qaar ka mid ah beelaha dega magaalada.