Maxkamadda Sare ee dalka oo go’aan ka gaartay kiiska kursiga FAHAD YAASIIN

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa go’aan lama filaan ah oo ay qaadatay ku diiday qaadista Dacwadda kiiska kursiga la xayiray ee Fahad Yaasiin ee HOP086, taasi oo meesha ka saartay rajadii ugu dambeysay ee Fahad.

Maxkamadda Sare ayaa go’aankeeda sabab uga dhigtay in aanay awood u lahayn ka garnaqida cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee  Barlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxayna aqbashay hor-is-taagga xafiiska garyaqaanka Guud ee Dawladda oo matalaya Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.

Xafiiska ayaa dooddii shalay ee Maxkamaddu ay qabatay ku dooday in Maxkamadda Sare aanay awood u lahayn ka-garnaqida cabashooyinka la xidhiidha doorashada dadban ee Baarlamaanka 11-aad, taasi oo Maxkamadda ay ku raacday.

Go’aanka waxa saxiixay saddexda garsoore oo dacwaddan dhagaystay, kuwaas oo kale ah: Gudoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, iyo garsoore Cabdulcasiis Maxamed Yuusuf, iyo Garsoore Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hadda ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, horeyna u soo noqday agaasimaha hay’adda sirdoonka ayaa kursigaas loogu doortay 20-kii bishii Febraayo ee sanadkan magaalada Beledweyne.

Si kastaba, waxaa doorashadiisa ku gacan seyray guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal oo sheegay in aan la marin habraacyadii doorashada u dagsanaa, taasina waxay abuurtay jahwareer iyo khilaaf cusub, waxayna markii dambe uu Fahad Yaasin dacwad u gudbiyay maxkamadda sare.

Go’aankan ayaa imanaya xilli aad loo filayey in Maxkamadda Sare ay soo saarto go’aan ay ku fasaxeyso kursiga Fahad, ayada oo la rumeysnaa in guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf uu aad ugu dhow yahay Villa Somalia.

Arrintan ayaa dhabarjab weyn ku ah Fahad Yaasiin, waxayna tani soo xirtay albaabkii ugu dambeeyey ee uu ku noqon lahaa xildhibaan, mana cadda waddada xigta ee uu qaadi doono. 

Go’aanka Maxkamadda oo afar qodob ahaa ayaa u dhigan sidan: 

QARAARKA MAXKAMADDA
Asaabta sare ku xusan darteed Maxkamaddu:  

1. Waxa ay diiday arjiga cabashada summaddiisu tahay E-Som. 17/2022, ku taariikhaysan 07/04/2022 ee lidka ku ah go’aanka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee summaddiisu tahay FIET/2017/2022 ku taariikhaysan 17/02/2022 iyo midka aan summadda lahayn ee ku taariikhaysan 06/04/2022.  

2. Waxa ay aqbashay hor-is-taagga Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda oo metalaya Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ee ah in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka-garnaqidda cabashooyinka la xidhiidha doorashada dadban ee Baarlamaanka 11 aad. 

3. Waxa ay go’aamisay in aanay Maxkamadda Sare ee Dalku awood u lahayn ka garnaqidda cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee Baarlamaanka 11 aad. 

4. Waxa ay xidhay gal-dacwadeedka summaddiisu tahay MS/1/2/2022.