Musharaxiinta madaxweyne ee is-diiwaan geliyey oo gaaray 30 + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Illaa 30 musharax ayaa illaa hadda isu diiwaangeliyey doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaga oo shahaadada musharaxnimo ka qataya guddiga doorashada ee baarlamanka.

Diiwaangelinta musharaxiinta ayaa shalay ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Guud ahaan waxaa shalay is-diiwaangeliyey illaa 10 musharax oo kala ah: Shariif Sheekkh Axmed, Daahir Maxamuud Geelle, Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Bashiir Xaaji Cali (Jamaal), Cabdullaahi Cali Xasan, Cabdinuur Sheekh Maxamed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa sii socotay maanta waxaana sidoo kale is-diiwaangeliyey madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ku dhowaaqay inuu mar kale u tartamayo kursiga iyo 20 musharax oo kale.

Xubnaha maanta is-diiwaangeliyey ayaa waxaa ka mid ah Xasan Sheekh Maxamuud, Dr. Saciid Ciise Maxamuud, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Mahad Axmed Diiriye, Muqtaar Maxamed Sayid, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Jamaal Axmed Ibraahim, Maxamuud Daahir Aweys, Ridwaan Xirsi Maxamed, Cumar Cabdulqaadir Axmed Fiq, Nucmaan Shiekh Cumar, Muqtaar Maxamed Sayid, Jabriil Ibraahim Cabdulle, Maxamuud Daahire Aweys, Xuseen Cabdi Nuurow, Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) iyo Cabdulaahi Cali Axmed( Cadoow Cali Gees) iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji Adam oo ah haweeneyda kaliya ee xilkan u taagan.

Musharaxiinta ayaa lagu xiray shuruudo ay ka mid yihiin inay bixiyaan lacag is-diiwaangelin oo gaareysa $40,000, inay haystaan saxiixa 20 xildhibaan oo taageersan iyo soo gudbinta barnaamij siyaasadeedkooda oo qoran.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa ku eg berri, ayada oo doorashada madaxweynaha la qorsheeyey inay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho ka dhacdo Axadda 15-ka May 2022.

Haddii uu sida loo qorsheeyey u dhaqan-geliyo jadwalka doorashada, waxa ay soo geba-gebeeneysa dib u dhac 15 bilood ah oo ku yimid doorashada madaxweynaha, ayada oo muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo uu dhammaaday bishii Febraayo 2021.