Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray ciidanka la geeyey Beledweyne iyo xiritaanka Suuqa Bakaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray ciidamada ay Maanta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya geysay Magaalada Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabada ciidamada lagu geeyey Beledweyne tahay qalalaase uu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ka hurinaayo Gobolka Hiiraan.

“Goluhu wuxuu u arkaa in tabashada reer Hiiraan ay tahay qaddiyad siyaasadeed oo u baahan waan-waan iyo wada-xaajood siyaasadeed. Wuxuu kaloo Goluhu u arkaa in socdaalkii uu taliyaha ciidanka lugta ku tegey Gobolka iyo ciidanka maanta laga dejiyey Beledweyne ay yihiin tallaabooyin wiiqaya fursadaha nabad iyo wadahadal ee khilaafka lagu xalin karo, liddina ku ah habsami u socodka doorashooyinka iyo fulinta go’aanadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee ahaa in aysan ciidanka ku milmin siyaasada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Golaha.

Midowga Musharaxiinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay diyaarado ciidamo ku geyso Beledweyne, iyado qeybo kamid ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha uu u xiran yahay kooxda Daacish oo canshuur kusoo rogtay Ganacsatada suuqaas.

“Waxaa well muuqata in taliyayaasha ciidanka ay iska dhegatirayaan go’aanadii Golaha Wadatashiga Qaran, iyo baaqyadii bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka soo baxayey. Haddaba Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Raysal Wasaare Rooble in uu qaato masuuliyadda kaga aadan arrinkan, xaqiijiyana in ciidanka laga dhexsaaro siyaasada, loona jiheeyo la dagalaanka argagexisada Alshabaab iyo Daacish oo albaabada iskugu dhuftay suuqii ugu waynaa ganacsiga Soomaaliya ee Bakaaraha.”

Midowga Musharaxiinta ayaa ugu dambeyn ku baaqay in tabashada reer Hiiraan lagu xaliyo waanwaan iyo wadahadal, waxaana war-saxaafadeedka lagu sheegay in midowga musharixiinta ay diyaar u yihiin ka qeybgalka xalkaas.

Warqadda kasoo baxday Midowga musharixiinta ayaa timid kadib markii Maanta dowladda Soomaaliya ay ciidamo boqolaal ah geysay Magaalada Beledweyne oo ay ka taagan xiisad.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka midowga musharixiinta