Qaraxyo dhacay & Shabaab oo saldhig qabsatay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Caawa halkaasi ay la wareegen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dagaalyahaano ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar Qaraxyo ah ku galay Saldhiga Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, iyadoona Qarax kadib ay halkaasi la wareegen, waxaana lasoo warinayaa in gabi ahaan Saldhigaasi ay Caawa la wareegen Al-shabaab.

Weerarka lagu qabsaday Saldhiga ayaa waxa ay maleeshiyadu kasoo qaaday dhowr jiho, waxaana markii danbe halkaasi ka bilowday dagaal fool-ka-fool ah oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo Al-shabaab.

Maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday Saldhiga iyo Ciidamada Dowlada ayaa isla gaaray ilaa Shaleemo Cabdi waayeel waxa uuna dagaalka kusii fiday dhankaasi.

Weerarka ayaa waxaa lagu dilay Seddex kamid ah maleeshiyada Al-shabaab oo iminka la sheegay in meydkooda uu yaalo iridka hore ee Saldhiga.

Weerarkaani ayaa imaanaya xili ciidamada NISA ay habeenimadii xalay fashiliyeen weerar ku wajahnaa Xarunta xalane ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com