Shirka Rooble iyo musharaxiinta oo furmay iyo qodobo xasaasi ah oo miiska saaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir u dhaxeeya Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa goor dhow ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ah midkii seddaxaad, waxaa looga hadlaya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, waxuuna shirkan qeyb ka noqonayaa shirar maalmihii lasoo isla hotelkan ku dhex maray labada dhinac.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu yiri, “Kulankii 3aad oo u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharraxiinta ayaa ka furmay Muqdisho.”

Shirka waxaa kaloo ka qeyb galaya madaxweynaha Hirshabelle, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

Sida aan xogta ku helnay qodobada caawa miiska saaran ee shirkan looga hadlayo waxaa ka mid ah, in xukuumaddu ka shaqeyso sidii shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleed ee looga hadlayo doorashada ay uga qeyb-geli lahaayeen metelayaal ka kala socda midowga musharixiinta, saamileyda kale ee siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Shirkan waxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta uu fashilmay oo baaqday shirkii uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo markii horaba ay midowga musharaxiintu ku tilmaameen mid Farmaajo uu ku xagal-dacinayo heshiisyada iyo kulamada u socda, iyaga iyo xukuumadda.