Sawirro: Shirkii Brussels soo idlaaday + DF oo dhaqaale loo ballan qaaday

Brussels (Caasimada Online) Waxaa goordhow magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub, lagu soo gabagabeeyay shirkii hiigsiga cusub ee (New Deal).

Shirka waxaa gabagabadiisa laga soo saaray War-Murtiyeed.

Qoddobada ugu muhiimsan ee War-Murtiyeedka lagu sheegay waxaa ka mid ah:-

1-In la isku raacay in la taageero dowladda Soomaaliya iyo qorshaha ay ku soo bandhigtay shirka

2-Waxaa la soo dhaweeyay heshiiska dowladda Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ee ka dhacay Addis Ababa, waxaana la amaanay dowladda Ethiopia.

3-Waxaa dowladda loo ballan qaaday lacag gaareyso 1.8-bilyan oo Euro, taasoo wax looga qaban doono arrimaha ammaanka,dhaqaalaha,iyo kaabayaasha muhiimka.

4-In la xoojiyo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaasoo aakhirka ku filnaada ammaanka dalka.

5- In dumarka Soomaaliyeed laga qaybgali siyaasadda

6-In la taageeray hagaajinta hey’addaha maaliyada ee dowladda.

7-In la xoojiyo hey’addaha garsoorka iyo ammaanka dalka.

8-In la soo dhaweeyay hadalkii madaxweynaha Soomaaliya uu ka sheegay shirka, kaasoo ahaa in aan la xirin xawaaladaha Soomaalida ee ku yaala caalamka.

Si kastaba, akhristayaasheena nagu xiran, waxaa hadda goordhow shir wadajir ah ugu qabtay Brussels, madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Midowga Yurub, Jose Manuel Barroso.

Mr. Barroso ayaa sheegay in Midowga Yurub uu kordhiyay dhaqaalaha uu siinaayo Soomaalya tan iyo sannadkii 2003-dii

Dowladda Britain waxa ay iskeed ugu dhawaaqday shirka (New Deal) dhaqaale gaaraya £50m ($80m, halka dowladda Talyaaniga ay iyana ku dhawaaqday lacag 9-Milyan oo dollar.

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa madaxdii ka soo qaybgashay shirka u sheegay in ay wax ka qabtaan tallaabada Baananka go’aansaday in ay xiraan xiisaabaadka xawaaladaha Soomaalida.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in arrintaas ay fursad u tahay kaliye Al-Shabaab oo markaas heli doona dhallinyaro badan

Sawirrada shirka

P023942000202-652319P023942000302-82732P023942000502-565871P023942000602-57560P023942000702-672946P023942000802-753822P023942000902-156665P023942001002-45347P023942001102-804979Herman Van Rompuy, at the left, and Catherine AshtonP023942001302-865712P023942001402-494750P023942001502-494099P023942001602-180886

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

Caasimada@live.com