Somaliland oo qaadaceysa Xajka sanadkan kadib tallaabo ay qaaday DF Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inaysan sanadkaan dadkeeda soo xajin doonin, haddii aan wax laga bedelin go’aanka ay dowladda federaalka u qeybisay tirada xujeyda sanadkaan.

Somaliland ayaa si adag uga hortimid tirada ay dowladda federaalka u qorsheysay inay kasoo xajiyaan deegaanadeeda, taasi oo dhan 350.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta kulan muhiim ah la qaatay culimada iyo qaar ka mida shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka ayaa laga soo saaray in dowladda federaalka ay siyaasadeysay tirada xujeyda loogu tala-galay Somaliland iyo Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa laga soo saaray qoddobo dhowr ah oo kala ah;

1- Shirkadaha iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajku, waxa ay si buuxda u taageereen go’aanka xukuumadda ee ah in aanay sinnaba suuro gal u ahayn oo aan la aqbali karin tiradaasi kooban.

2- Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay la socodsiinaysaa dawladda Sucuudiga, maadaama ay guud ahaan umuadda muslimka ah ay mas’uul uga yihiin arrimaha xajka in ay Soomaalya siyaasadaysay xajkii, kaas oo ah mid ka mida arkaanta Islaamka.

Haddii arrintan si degdeg ah xal looga gaadhi waayo, waxa ay keeni doontaa in dadkayagu aanay xajin sanadkan.

3- Ugu dambayn, waxaa la farayaa daneeyayaasha arrimaha xajka, shirkadaha xajka ka shaqeeya iyo xamladahaba in ay u hoggaansamaan go’aankan maanta la wada qaatay, oo aanay dhici karin in cidi baal marta.