Taliyihii Shibis oo ka goostay DF, kuna biiray ciidanka diidan muddo kororsiga (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliiska degmada Shibis Farxaan Jaraaye ayaa goordhoweyd si rasmi ah ugu biiray Agga Mirinaayadda oo ay difaac kaga jiraan ciidamo ilaalada u ah madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ciidanka Millateriga ah ee ka gadoodsan muddo korarsiga Farmaajo.

Taliye Farxaan Jaraaye ayaa hadda warbaahinta kula hadlay aaga Mirinaayada, wuxuuna sheegay inuu gartay waxa saxda ah, kana soo horjeedo gumaadka lagu hayo shacabka magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in uusan is-dhiibin, balse uu ka baaqsanayo in uu dadka iyo dalka u horseedo dagaal, isaga oo markii hore ka tirsanaa ciidamada daacada u ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Anigu isma dhiibin ee waxaan arkay in dadka lagu kor dagaalamayo ay yihiin dadkeyga, waxaana u tagay walalahayga,” ayuu yiri

Sidoo kale waxa uu Saraakiisha iyo Ciidanka Booliiska ugu baaqay inay iskaga soo baxaan dhanka dowladda, islamarkaaana ay soo garab istaagaan dadkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka daawo Taliyaha oo la hadlay