Toogasho kale oo ka dhacday kaniisad ku taalla Faransiiska

Lyon (Caasimada Online) – Nin qori ku hubeysan ayaa toogasho ka fuliyey magaalada Lyon ee dalka Faransiiska, halkaasi oo uu ku dhaawacay baadari kaniisad ka hor inta uusan goobta ka baxsan, sida ay booliska sheegeen.

Baadariga 52 jirka ah, oo asal ahaan kasoo jeeda Greece, ayaa xirayey kaniisadda xilli qorax dhac aheyd, markii ninka weerarka soo qaaday uu dhowr xabad ku furay, waxaana lagu soo warramayaa in xaaladdiisa ay liidato.

Weerarka ayaa yimid xilli xaaladda France ay aad u kacsan tahay kadib markii saddex qof laba maalin kahor lagu dhex-dilay kaniisad, oo mid ka mid ah la gowracay, halka macallin iskuul sidoo kale toddobaad kahor la gowracay, ayada oo jirto caro ka dhalatay sawir gacmeedyo loogu gefay Nebi Muxamed NNKH.

Baadariga ayaa laga toogtay beerka, ayada oo la dul yimid, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo ka tirsan booliska, oo la hadlay AFP.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa isugu yeeray kulan deg deg ah oo looga arrinsanayo xaaladda waddanka.

Goor sii horreysay oo maanta ah, Darmanin ayaa sheegay inay suurta-gal tahay weeraro kale oo ka dhacay ciidda Faransiiska. “Waxaan dagaal kula jirnaa cadow gudaha iyo mid dibedda ah, iyo fikradda Islaamiyiinta,” ayuu kusii daray.

Madaxweyne Emmanuel Macron, oo u muuqda inuu doonayo inuu dejiyo xiisadda iyo carrada ka dhalatay hadalladiisii hore oo keenay in badeecadaha Faransiiska laga qaadaco dunida Islaamka, ayaa sheegay in dowladdiisa aysan marnaba qaadan sawir gacmeedyo aflagaado ah.

Wareysi gaar ah oo uu siiyey Aljazeera ayaa Macron waxa uu kaga hadlay carrada ka dhalatay sawir-gacmeedyada aflagaadada ah ee uu daabacay wargeyska Charlie Hebdo.

“Sawir gacmeedyadan ma ahan mashruuc dowladeed, balse waxay ka imanayaan wargeys madax banaan oo xor ah, islamarkaana aan ku xirneyn dowladda,” ayuu yiri Macron, isaga oo intaas ku daray inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan arrintan.