Mareykanka oo maanta si rasmi ah u aqoonsanaya Dowladda Somalia iyo safaarad uu ka furo Muqdisho oo xigta

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u aqoonsado Dowlad Soomaaliyeed oo fadhigeedu yahay Muqdisho, kadib 20 sano, sarkaal Mareykan ah ayaa sidaas shaaca ka qaaday.

Tallaabadan, ayaa waxa ay dhabbaha u xaari doontaa dhaqaale caalami ah iyo mid Mareykan oo dalka Somalia uu helo.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Hillary Clinton ayaa warkan ku dhowaaqi doonta maanta oo khamiis ah, marka ay Washington kula kulanto Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

“Marka Clinton ay maanta la kulanto madaxweyne Xasan, waxa ay is dhaafsaan doonaan waraaqo diblomaasi, waxaana ay aqoonsan doontaa Dowladda Somalia” waxaa sidaasi u sheegay weriyayaasha kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Johnnie Carson.

‘Tallaabo weyn oo muhim ah”

Tallaabadan waxa ay aqoonsan doontaa horumarka Somalia ay ka sameysay xasiloonida siyaasadeed iyo dhabar ka jebintii kooxda Al-Shabab, sida uu sheegay Mr. Carson.

Dowladda Mareykanka, marnaba si rasmi ah uma aysan jarin xiriiradii diblomaasi ee Somalia.

Hase yeeshee markii 1993-kii lasoo riday diyaaraddii Black Hawk Down, lana dilay 18 askari oo Mareykan ah, waxa ay taasi Somalia ku tuurtay xaalad fowdo

Marka berri ay la kulanto madaxweyne Xasan Sheikh, Mrs Clinton laguma wado inay ku dhowaaqdo gar gaar cusub oo loogu tala galay Somalia, oo mar horeba ka heleysay Washington kaalmo dhinaca abaarta, macluusha iyo qaxootiga ah.

Hase yeeshee, Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa yiri “Xaqiiqda ah inaynu aqoonsaneyno Somalia, waxa ay tani inoo sahli doontaa inaynu wax waliba marino hay’addeena USAID [US Agency for International Development], taasi oo markii horey aynaan awood u lahayn.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa la kulmay saraakiisha Bank adduunka iyo kuwa USAID, isaga oo ku guda jira socdaalkiisa Washington.

Mareykanka iminka safaarad kuma lahan Somalia, hase yeeshee saraakiisha ayaa tilmaamay in taasi ay noqon doonta waxa xiga, kadib aqoonsiga maanta.

W/Q: Axmed Cali Sheikh
Xafiiska Wararka Caasimada Online
Minneapolis, MN USA