BEYLE oo diiday go’aankii loogu yeeray ee kasoo baxay xeer ilaaliyaha qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo saaray qoraal uu ku diiday warqadii loogu yeeray ee ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, taas oo fareysay in Isniinta berri uu tago xafiiska xeer ilaaliyaha, si wax looga weydiiyo arrimo ku saabsan maaliyadda dalka.

Wasiir Beyle ayaa cadeeyey inay soo gaartay warqadda xeer ilaaliyaha ee loogu yeeray, balse wuxuu muujiyey inay ku jiraan qaladaad dhanka sharciga ah, isagoo sheegay in arrintaan uu uga dambey doono garyaqaanka guud ee dowladda.

“Sida uu qabo qodobka 3-aad farqadiisa 2-aad, xarafka B, oo sharaxa dhismaha xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda. Garyaqaanka guud ee dowladda wuxuu masuul ka yahay difaacida dowladda iyo xubnaha u shaqeeya, maxkamadaha hortooda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Beyle.

Wuxuu sheegay in isagoo raacaya xeerkaas, kana digtoon in lagu xad gudbo masuuliyadda iyo waajibaadka garyaqaanka guud ee dowladda, “Uu si xushamad leh ugu soo jeedinayo xeer ilaaliyaha in xafiiskiisu uu u hoggaansamo habraacyada iyo xeerarka la dejiyey ee lagu talo galay in lagu maamulo arrimaha dowladda iyo dalka.”

Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa qoraalkiisa ku cadeeyey in wasaaraddu ay diyaar u tahay in garyaqaanka guud ee dowladda ay la wadaagto wixii macluumaad ah ee xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranku uu uga soo baahdo.

Hoos ka eeg warqadda