Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xerada ciidanka Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarun ay ku sugnaayen ciidamo ethiopian ah.

Weerarkaani ayaa ka dhacay Xerada Ciidamada ethiopia ee Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, waxaana lasoo warinayaa in khasaaro xoogan uu geystay.

Wararku waxa ay sheegayaan in weerarka uu ku bilowday gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo uu la socday naftii halige ka tirsan xagjiriinta Somalia ee Al-shabaab.

Gaarigaani laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa waxaa lagu dhuftay ilinka hore ee Xerada Ciidamada ethiopia waxaana xigay in dagaalyahaano ka tirsan maleeshiyada ay gudaha u galaan Xarunta, sida ay sheegen dadka deegaanka.

Gudaha xerada ayaa waxaa hadda laga dhexmaqlayaa Qaraxyo iyo Rasaas xoogan, waxa ayna ciidamada ethiopia ridayaan Hub culus oo qaarkood u gudbaaya xaafadaha.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Weerarkan maadaama weli la maqlayo rasaas iyo Qaraxyo, waxaana adag in la ogaado khasaaraha labada dhinac gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com