25.1 C
Mogadishu
Sunday, November 2, 2025

DEG DEG: Weriye Timacade oo goor dhow ku geeriyooday Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa waxaa goor dhow isbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday wariye Maxamuud Maxamuud Timacadde, oo dhowr maalmood ka hor lagu dhaawacay magaalada Muqdisho.

Timacade waxa uu ahaa wakiil wareedkii TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho.

Timacade ayaa koox dabley waxa ay ku dhufteen 6  xabad 22-kii bishan, ayaga oo doonayey inay dilaan, balse waqtigiisa ay ka harsaneyd dhowrka maalmood ee uu ku jita Isbitaalka Madiina.

Maalmihii dhowaa ayuu Weriyaha ku sugnaa xaalad halis ah, ayada oo dhaqaatiirtuna ay isku dayayeen inay bad baaadiyaan, balse waqtigiisa uu intaas ku ekaa.

Weriye Timacade ayaa noqday dhibanihii ugu dambeeyey ee silsilado qaarijin oo ka dhan ah suxufiyiinta Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News