Xamza oo magacaabay la-taliyeyaal iyo agaasimayaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ku howlan dhismaha xukuumaddiisa ayaa maanta sameeyey magacaabis cusub.

Ra’iisul Waaaraha ayaa magacaabay agaasimayaal gaaraya illaa seddex iyo afar la-taliyayaal, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay xafiiskiisa oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, waxaana xubnaha la magacaabay ay ka yihiin: 

1- Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa loo magacaabay afhayeenka ra’iisul wasaaraha iyo agaasimaha warbaahinta iyo xiriirka bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha. Farxaan ayaa ah suxufi rug caddaa ah, oo horey uga soo shaqeeyey BBC Somali.

2- Cabdullaahi Shariif Cabdi ayaa loo magacaabay agaasimaha hab maamuuska xafiiska ra’iisul wasaaraha. Ninkaan dhalinyarada ah ayaa sidoo kale horey ula soo shaqeeyey ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre.

3- Haashim Maxamed Cali ayaa loo magacaabay agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee xafiiska ra’iisul wasaaraha

4- Cali Cabdi Waare ayaa loo magacaabay la-taliyaha arrimaha dib u heshiisiinta ee ra’iisul wasaaraha

5- Kamaal Guutaale ayaa loo magacaabay la taliyaha amniga ee ra’iisul wasaaraha. Kamaal ayaa horey usoo noqday agaasimaha Villa Somalia ee muddo xileedkii koowaad ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

6- Dr. Axbdinuur Maxamed Cabdi ayaa loo magacaabay la taliyahasarre ee dhanka arrimaha siyaasadda iyo iskuduwaha barnaamijyada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha

7- Drs. Hodan Cusmaan ayaa loo magacaabay la-taliyaha ra’iisul wasaaraha ee xiriirka caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor sii horeysay magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, kaasi oo loo magacaabay Maxamed Abuukar Zubeyr oo horey usoo noqday agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu taliyaha amniga ee xafiiska ra’iisul wasaaraha u magacaabay Gaashaanle Dhexe Akram Maslax.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan ra’iisul wasaaruhu wado wada-tashiyadii u dambeysay ee ku aadan magacaabidda golihiisa wasiirada cusub.

Xamza oo todobaadkii hore codka kalsoonida ka helay baarlamaanka Soomaaliya ayaa ballan-qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka samata bixin karta.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii bishii May, taas oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.