Xildhibaan SIR David Amess oo u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray weerarka

London (Caasimada Online) – Xildhibaan Sir David Amess oo ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka UK ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar loo adeegsaday mindi oo lagu qaaday.

Amess, oo 69 jir ah, ayaa kulan weji-ka-weji ah la lahaa dadka soo doorta, kaasi oo ka dhacayey kaniisad lagu magacaabo Belfairs Methodist Church oo ku taalla deegaanka laga soo doorto ee Leigh-on-Sea oo qiyaastii 64 km u jira magaalada London, markii weerarka lagu soo qaaday.

Taleefishinka Sky News ee UK ayaa ku warramay in nin mindi watay uu soo galay kaniisadda, kadibna uu dhowr goor mindida ku dhuftay Sir Davis Amess.

Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa isku dayey inay noloshiisa badbaadiyaan ayaga oo ku daweeyey sagxadda kaniisadda illaa ay ka imaneyso helicopter u qaadi laheyd isbitaal, hase yeeshee goobta ayuu ku geeriyooday kadib saacad lala tacaalayey xaaladdiisa.

Booliska Essex, oo ah maamulka ay hoos tagto magaalada Leigh-on-Sea ayaa qoraal ay soo saareen ku xaqiijiyey in xireen nin lagu tuhmayo weerarka, oo 25 jir ah.

Illaa iyo hadda ma cadda ujeedka laga lahaa weerarka lagu dilay Sir David. 

Sir David Amess ayaa ahaa xildhibaan aaminsan siyaasadda midigta-fog. Wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn u taageeray ololihii Brexit ee UK ay kaga baxday Midowga Yurub. Waxa uu sidoo kale marar badan kasoo horjeestay sharciyo baarlaman oo lagu taageerayo xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isguursada.