Xildhibaanada BF oo maanta meel mariyey SHARCIGA doorashooyinka qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyey sharcigii doorashooyinka qaranka heer federal, ee dhowaanahan ay ka doodayeen.

Sida aan xogta ku helnay, ka hor inta aan la meel-marin sharciga ayaa waxaa la isku raacay in sharciga la meel-mariyo, kadibna saxitaan lagu sameeyo labo qodob oo ka hadlayay mudo kordhin loo sameeyo barlamaanka iyo arrimaha Somaliland, ka hor inta aan la horgeyn aqalka sare.

Sharciga ayaa waxaa u codeysay 171 xildhibaan, waxaana diiday kaliya shan xildhibaan.

Sharcigan ayaa waxaa qodobada ugu weyn ee ku jira ka mid ah in xildhibaanada golaha shacabka ee 2020 ay soo doortaan shacabka, ayada oo la marayo nidaamka qof iyo cod ah, oo ka dhacaya deeganadooda.

Waxaa sidoo kale, sharciga uu dhigayaa in madaxweynaha jamhuuriyadda ay soo dooraan doonaan labada aqal ee baarlamanka, si waafaqsan qodobka 89-aad ee dastuurka KMG ah ee dalka.

Sharciga ayaa waxaa sidoo kale ku jira qodob si weyn u dhimay awooddii madaxweynaha Soomaaliya, kaasi oo ah in madaxweynaha uusan hadda kadib awood u lahayn inuu ra’iisul wasaare u magacaabo qofkii uu doono, balse ay qasab ku tahay inuu ra’iisul wasaaraha kasoo magacaabo xisbiga ugu kuraasta bata baarlamanka.,

Farqada 6-aad ee qodobka 11-aad ee sharcigan ayaa u dhigan sidan:

“Madaxweynaha JFS ayaa ka soo magacaabaya xisbiga ama isbahaysiga doorashada ku guulaysta kuraasta ugu badan aqlabiyadda baarlamaanka (50% +1) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.”