Xildhibaano ka tirsan BF oo carqaladeeyey khudbadii madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Khudbadii Madaxweyne Farmaajo uu goor dhow ka jeedinayey kala fadhigii ugu dambeeyey ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku badashay qeylo iyo qalalaaso.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qeylo iyo inay miiska garaacaan bilaabay markii uu khudbadda billaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga Anshaxa Baarlamaanka oo isku dayey inay xiisadda damiyaan ayaa ku guuldareystay, waxaana hakad gashay khudbaddii Madaxweynaha oo aheyd mid si weyn loo wada sugayey.

Waxaa la arkayey Xildhibaano miiska garaacayo iyo kuwa kale oo kuraasta kor u heysto kuwaas oo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Arrintaan oo aheyd mid horey looga cabsanayey ayaa keentay in Maanta saxaafadda madaxa banaan loo diido inay kulanka qeyb ka noqdaan, waxaana kaliya tabinayey Telefishinka Qaranka, waxaana muuqaalka codka laga jaray markii madaxweynaha lagu ooriyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa noqday Madaxweynihii labaad ee burburkii kaddib isagoo Baarlamaanka ka khudbeynaya lagu buuqo.

Sidan oo kale waxay dhacday sanadkii 2007-dii xilligaasoo Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka hadlayay Baarlamaanka oo ku shirsanaa Baydhabo lagu buuqay, waxaana la xusuustaa hadaladii diiwaanka galay ee xilligaas Madaxweyne C/llaahi Yusuf ugu jawaabay Xildhibaanadii ku buuqayay.