Ciidamada Huwanta oo Gudaha u galay magaalada Kismaayo.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa Kenya ayaa goordhow cagta Saaray Magaalada Kismayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose.

Huwanta ayaa magaalada ku galay  qaabka lugta ah waxana dadka reer kismaayo ay inoo sheegeen inaysan jirin wax gaari ah oo ay wataan.

Ciidamada is garabsanaya ayaa si tar tartiib ah magaalada Isugu balaarinaya waxaana ay hada galeen qaybo kamid ah Magaalada Kismaayo.

Waxaa ay joogaan Ciidamada Bartamaha magaalada gaar ahaan xaafada Calanley waxaa ay la wareegeen Saldhigii degmada Al-shabaab.

Ciidamada Huwanta ayaa inta ay qabsadeen iyo inta u haray waxaa badan inta u harsan lakiin maanta ayay dhamaystirayaan maadama ay Ciidamada gudaha ku jira Kumaneeyo yihiin.

Xaalada ayaa Xasiloon Ciidamadana waxaa ay u sii gudbayaan Xaafado kale lakiin waxaan la ogayn inuu dhici doono Dabinkii ay ka baqayeen Ciidamada Dowlada iyo Kenya.