Deni iyo wafdi Mareykan ah oo kulan ku leh Boosaaso

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta u ambabaxaya magaalada Boosaaso kadib markii uu baajiyay khudbaddii uu xalay ka jeedin lahaa magaalada Garoowe, taas oo la xiriirtay munaasabadda xuska 1-da August.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo, Madaxweyne Deni ayaa magaalada Boosaaso kula kulmi doona wafdi sare oo ka socda dowladda Mareykanka, kaas oo uu hoggaaminayo Major General Claude K. Tudor Jr. Kulanka ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid diiradda lagu saaro arrimo muhiim u ah amniga iyo iskaashiga labada dhinac.

Wararka ayaa tilmaamaya in ajandaha kulanka ay ugu muhiimsan yihiin xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan sugidda amniga xeebaha iyo badaha, la-dagaallanka kooxaha argagixisada, ciribtirka budhcad-badeedda iyo sidii loo adkeyn lahaa wada-shaqeynta dhinaca amniga ee u dhexeysa Puntland iyo Mareykanka.

Booqashada wafdiga Mareykanka ee Boosaaso ayaa kusoo beegmeysa xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo caqabado amni oo isa soo taraya, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhaq-dhaqaaqyada kooxaha xagjirka ah iyo khataraha ka jira marin-biyoodka Gacanka Cadmeed, oo ka mid ah marinada ugu muhiimsan ee ganacsiga caalamiga ah.

Ka hor imaanshaha Boosaaso, wafdiga Mareykanka ayaa shalay booqasho ku tagay Somaliland, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Kulankaasi ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo iskaashiga labada dhinac.

Kulamadan xiriirka ah ayaa muujinaya dadaallada Mareykanka uu ku xoojinayo xiriirka amni ee uu la leeyahay dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya, iyadoo si gaar ah xoogga loo saarayo la-dagaallanka argagixisada, sugidda amniga badda iyo xasilloonida gobolka.

Booqashada wafdiga Mareykanka iyo kulanka ay la yeelanayaan Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inay kasoo baxaan is-afgaradyo la xiriira xoojinta wada-shaqeynta amni, iyadoo indhaha lagu hayo doorka ay iskaashigan ka qaadan karto wax ka qabashada caqabadaha amni ee ka jira Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News