Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta wareegto soo saaray ayaa isbeddel ballaaran ku sameeyay xukuumaddiisa, isaga oo soo magacaabay xubno ka mid ah golihiisa wasiiraddda.
Wareegtada ayaa saameysay wasiiro waa wayn, sida wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Saciid (Juxa), Wasiirka Cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab iyo xubno kale oo si weyn u difaaci jiray xukuumadda Deni
Wasiirrada la magacaabay ayaa kala ah:-
1.Abdirashiid Barkhadle Warsame Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta 2. Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta 3. Maxamed Cabdiraxmaan Faroole Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka 4. Barre Yuusuf Faatax Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah 5. Cabdifataax Ugaas Yaasiin Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada 6. Hodon Siciid Xasan Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska 7. Farxaan Cali Xirsi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta 8. Siciid Cali Jaamac Qorsheel Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Daaqa 9. Caydaruus Axmed Faarax Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada 10. Maxamed Cabdulqaadir Doonyaale Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda 11. Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi Wasiirka Wasaaradda Gargaarka 12. Cumar Cabdisamed Yuusuf Dhuux Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka 13. Maxamuud Caydiid Dirir Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada , Ciyaaraha iyo Dalxiiska .
Sidoo kale wasiir ku xigeenno cusub ayaa la magacaabay, kuwaas oo kor u dhaafaya illaa 15 xubnood, waxayna kala yihiin.
1.Axmed Maxamuud Axmed Qaxiye Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta 2. Cabdirisaaq Cali Maxamuud Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta 3. Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta 4. Axmed Yaasiin Saalax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda 5. Maxamed Xasan Ibraahi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah 6. Musadaq Maxamed Musadaq Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada 7. Maryan Cismaan Axmed (Fangase Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka 8. Eng. Maxamed Cali Ismaaciil Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha 9. Bille Maxamuud Axmed Qabowsad Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta 10. Cabdirashiid Cabdiraaq Cabd Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda 11. Xasan Jaamac Ismaaciil Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa 12. Cabdiraxmaan Khaliif Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha 13. Maxamed Siciid Saalax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada 14. Axmed Siciid Qoloomb Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka 15. Riyaad Axmed Cali Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka 16. Maxamuud Maxamed Daad Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.
Dhanka kale, isla wareegtadan waxaa lagu magacaabay wasiiru dowleyaal cusub, xisaabiyaha guud, guddoomiyaha iyo agaasimaha guud ee Bankiga, agaasimaha guud ee madaxtooyada, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha rayidka ah iyo guddoomiyeyaasha gobollada maamul-goboleedka Puntland.
Hoos ka daawo:-

