Deni oo ka hadlay laba arrin oo ay isku hayaan DF

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa caawa shacabka magaalada Garowe la qaatay kulan ay ku weydiinayeen su’aalaha ay qabaan kuwaas oo si toos ah uu uga jawaabayey Madaxweyne Dani.

Su’aalaha ay dadku weydiinayeen Madaxweyne Dani ayaa u badnaa arimaha doorashooyinka dalka tan dowladda dhexe iyo tan Puntland-ba iyo sidoo kale waxa uu salka ku hayo khilaafka Puntland kala dhexeeya dowladda federaalka, kaas oo xoogiisu soo jiray intii uu xaafiiska joogay Madaxweyne Dani.

Saciid Dani ayaa mid mid uga jawaabayey su’aalaha ay dadku weydiinayeen waxuuna sheegay in dowladda federaalku ay meel iska dhigtay wax wada guddoomin, isla markaana ay wax walba qasanyihiin, hadii ay ahaan laheyd qabya tirka dastuurka dalka, nuuca doorasho ee dalku aadayo oo aan wali cadeyn, wada shaqeyntii dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo arimo kale.

Dani ayaa mar uu si gaar ah u dul istaagay waxa uu kala socdo arimaha doorashooyinka waxa uu yiri, “Doorashada federaalka diyaar garowga ugu badan waxaa laga rabaa Puntland ma ahan in laga rabo dowladda federaalka oo kaliya, mana jirto nidaam gaar ah oo aan hada leenahay waa inay ku dhacdaa doorashudu, sida madaxda qaar oo lahaa waa lagama maarmaan inay noqoto 4.5, anagu waxaan leenahay mudada yar ee aan heysano aan ka wada tashano sidii ay wax noogu hagaagi lahaayeen”.

Madaxweyne Dani ayaa la weydiiyey halka uu ku danbeeyey balan qaadkiisii ahaa inuu heshiisii doono Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda federaalka, waxuuna ku jawaabay in dhawaan uu qorsheynayey inuu arintaas darteed Xamar u aado, balse uu ka baaqday kadib markii ay dowladdu shirkii wasiirrada maaliyadda dalka gogoshiisa dhigtay magaalada Kismaayo, halkaas oo Axmed Madoobe uu shirkaas ka furay, taas oo sida uu sheegay asaga ula muuqato inay Axmed Madoobe aqoonsatay dowladdu.

Mar wax laga weydiiyey arimaha waxbarashada Puntland ayuu yiri, “Arrinta waxbarashada dadka cabsida ka qaba maahi shahaadadii ayaa ardayda loo diiday anigu aqoon gooni ah ayaan u leeyahay, hadii qof Xamar jooga uu diido waxaa qabanaya qodob dastuuri ah, sidii loola xisaabtami lahaana Puntland ayey u taallaa, sharciga xaalad mastuur kama galeyno dad badan ayaa igula taliya ciyaalka u daney oo shahaadada ku raadi xaalad mastuur, taasna ma dhaceyso cid sharciga ka weyn ma jirto”

Hadalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo kulankii maanta ee golaha wasiirrada Puntland laga sheeciyey in dowladda federaalku ay shahaadooyinkii dugsiyada sare u diiday ardayda deegaanada Puntland, sidoo kalena ay dowladda federaalku is hortaag ku sameysay deeqo waxbarasho oo Puntland ay ka heshay qaar ka mid ah dalalka caalamka.