Saciid Deni oo shaaciyey in DF Somalia ay aqoonsatay maamulka Axmed Madobe

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka qeyb galayey madal su’aalo lagu weeydiinayey ayaa ka hadlay halka uu ku dambeeyey khilaafkii dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland.

Madaxweyne Deni, la weeydiiyey safar la filayey in uu ku tago magaalada Muqdisho oo ku saabsanaa xalinta khilaafkaas ayaa sheegay in la xaliyey khilaafkaas, islamarkaana dowladda federaalka ay aqoonsatay doorashadii ka dhacday Kisamaayo.

Waxaa uu tusaalo u soo qaatay shirkii looga hadlayay arrimaha maaliyadda oo ay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ku qabatay Kismaayo, islamarkaana ay ka qeyb galeen wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada ka jira dalka.

“Wixii aan garwadeenka ka noqon lahayn way iska dhamaatay, dowladdii federaalka waa tii lahayd ma aqoonsanin, waa tii maalin dhoweyd wasiir Bayle tagey, waa aqoon-sadeen marka, hadda dhib kama taagna taas, wixii kaloo dhiman iyagaa dhameysan doona, annaga doorkaas Ilaahaa naga furtay.” ayuu yiri Deni.

Ilo-wareedyo ayaa Caasimada Online in shirkii Kismaayo uu ahaa mid ay ku qasbaneyd dowladda federaalka, ee aanay macnaheedu ahayn aqoonsi Axmed Madoobe.

Soomaaliya ayaa rajeyneysa in bisha Febraayo ee 2020 laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, waxaana si taas ay u dhacdo qasab ah inay arrimaha maaliyadda ka wada-shaqeeyaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Hoos ka dhageyso codka Deni