Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ayaa beesha caalamka la wadaagay nuqul ka mid ah soo jeedin iyo is-afgarad hordhac ah oo ku saabsan sameynta hannaan doorasho oo ay labada dhinac ku wada qanacsan yihiin.
Soo jeedintan ayaa ku saleysan in la dhiso guddi farsamo oo diyaariya qaabka doorashada, ka hor inta aysan madaxda dowladda iyo hoggaanka mucaaradka yeelan kulan rasmi ah oo lagu gaaro heshiis siyaasadeed.
Is-afgaradka labada dhinac ayaa diiradda saaraya sidii loo mideyn lahaa aragtiyaha kala duwan ee ku saabsan hannaanka doorashada, iyadoo lagu saleeynayo soo jeedimihii ay kala keeneen Dowladda Federaalka, Golaha Mustaqbalka, Nabad iyo Nolol iyo Golaha Midnimada Qaran.
Guddiga farsamada ee la qorsheynayo ayaa laga sugayaa inuu diyaariyo hannaan doorasho oo ku dhisan mabaadi’da doorasho qof iyo cod ah, nidaam xisbiyo badan leh iyo hal guddi qaran oo doorasho, iyadoo sidoo kale la tixgelinayo nidaamka awood-qaybsiga 4.5.
Dowladda Federaalka ayaa xaqiijisay in mar walba diyaar u tahay in la gaaro heshiis doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda, kaas oo waafaqsan midnimada iyo mabaadi’da guud ee dalka.
Mas’uul sare oo ka tirsan dowlada oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa sheegay in dowladda aysan ka tanaasuleyn mabaadi’da ay ku adkeysanayaan ee doorashada qof iyo codka ah, nidaamka xisbiyada iyo hal guddiga qaran ee doorashooyinka, balse ay diyaar u tahay in laga wada-hadlo arrimaha farsamada sida muddada iyo qaab-dhismeedka guddiga.
Wuxuu sidoo kale sheegay inay suurtagal tahay in wax laga beddelo qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka qaranka, kadib doodaha ay mucaaradku ka muujiyeen kalsoonida iyo hannaanka magacaabista xubnaha guddiga.
Arrimahan ayaa imanaya xilli beesha caalamku ay waddo dadaallo lagu soo afjarayo khilaafka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka ee ku saabsan nooca doorashada dalka ka dhaceysa, iyadoo safaaradda Turkiga ay ka qeyb qaadatay fududeynta wada-hadallada labada dhinac.

