DF oo billaabeysa arrin haddii ay ku guuleysato keeni doonta…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa ku goodisay inay qaadeyso Howlgal lagu soo afjaraayo maleeshiyaadka Al-shabaab min Muqdisho ilaa Gobolada dalka.

Howlgalkaani lagu soo afmeeraayo awooda maleeshiyaadka ayaa iska kaashanaaya ciidamada dowlada, AMISOM iyo ciidamada cadaanka ee ka howlgala gudaha Somalia.

Howlgalkaani ayaa waxaa qeyb ka noqon doona ciidamo laga soo kala xulay maamulada dalka kuwaasi oo iminka diyaarintooda ay socto.

Dowlada Federaalka ayaa sheegtay in Howlgalka bilaaban doono doorashada ka hor uu noqon doono mid dhabaha loogu xaarayo doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Dowladu waxa ay sheegtay in dalka uusan ka dhici karin wax doorasho ah ilaa laga yareeyo awooda maleeshiyaadka Al-shabaab, waxa ayna wacad ku martay in maalmaha harsan ay qafiifin doonaan awooda Al-shabaab.

Dowladu waxa ay sidoo kale, sheegtay inay diyaarisay istiraatiijiyo ay ku qabsaneyso dhammaan Gobolada ay dalka kaga sugan yihiin Al-shabaab, iyada oo ku hanjabtay in dhammaan Gobolada dalka ay gacanteeda soo galin doonto doorashada ka hor.

Dhanka kale, hanjabaada Dowlada ee ku aadan fulinta howlgalo dalka looga sifeynaayo Al-shabaab ayaan la ogeyn halka uu biyo dhaceedu noqon doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com