Doolow (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay garoonka diyaaradaha Doolow ee gobolka Gedo, kaas oo muddo ku dhow laba sano u xirnaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubaland.
Dib u furitaanka garoonka ayaa la filayaa inuu dhaqan-galo iyadoo duulimaadkii ugu horreeyay lagu wado inuu berri ka dego Doolow.
Xogaha la helayo ayaa sheegaya in dowladda xilligan aysan garoonka ku soo rogin shuruudo cusub oo la xiriira dib u bilaabashada duulimaadyada. Garoonka ayaa dhowr jeer la isku dayay in dib loo furo, balse dadaalladii hore ayaa fashilmay kadib markii la isku fahmi waayay shuruudo iyo dalabaad ay Dowladda Federaalka ku xirtay.
Xogaha laga helayo arrintan ayaa sidoo kale sheegaya in saraakiil hore uga tirsanaa Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ay door ku lahaayeen qorshihii xiritaanka garoonka, iyagoo dowladda u gudbiyay aragtiyo la xiriiray saameynta siyaasadeed ee garoonku ku leeyahay magaalada.
Sida xogtu tilmaamayso, qorshahaasi ayaa ahaa in cadaadis lagu saaro maamulka deegaanka si Doolow ay si buuxda ugu soo wareegto saameynta Dowladda Federaalka, hase yeeshee maamulka deegaanka iyo gaar ahaan degmada Lafeey ayaa ka horyimid tallaabooyinkaas.
Muddooyinkii uu xirnaa garoonka Doolow, bulshada deegaanka ayaa si weyn ugu tiirsaneyd isu socodka dhulka, iyadoo ganacsatada, dadka safarka ah iyo qeybaha kale ee bulshada ay sheegeen in xiritaankiisu uu saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee gobolka.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale muddo dheer ka cabanayay in garoonka loo adeegsaday loollan siyaasadeed, taas oo sababtay in adeeg muhiim u ahaa bulshada uu muddo dheer hakad galo, iyadoo dhinacyada isku haya arrinta ay isku khilaafeen maamulka iyo mustaqbalka garoonka.
Si kastaba, dib u furista garoonka ayaa haddii uu si rasmi ah u dhaqan-galo noqonaya tallaabo wax ka beddeli karta xaaladda isu socodka Doolow, waxaana la filayaa inuu dib u soo celiyo duulimaadyadii, dhaq-dhaqaaqii ganacsi iyo xiriirkii magaalada ay la lahayd deegaannada kale ee dalka.

