DF oo gacanta ku dhigtay 3 qof iyo walxo qaraxa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay seddex ruux iyo waxyaaabaha qarxa, markii ciidamada baaritaan adag oo saacado qaatay ka sameeyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada sida gaarka u tababaran ayaa baaritaanka ka sameeyay xaafada Xaawo-taako ee degmada Afgooye, waxayna ciidamada ku daba jireen rag laga warhelay iney xaafada ku dhuumaaleysanayeen, sida maamulka uu sheegay.

Dadka la qabtay oo labo kamid ah magacyadooda lagu sheegay C/welli Cismaan Cabdi iyo Aweys Sheikh Xasan, ayaa si dhow loola xiriiriyay iney ka tirsan yihiin ururka Alshabaab ee dowlada Dagaalka kula jiro.

Afhayeenka maamulka Shabeelaha Hoose Maxamed Xuseen Shiine, oo saxaafada kula hadlay degmada Afgooye ayaa sheegay in ciidamada ay heleen xogta lagu soo qabtay seddexda ruux ee xiriirka la leh Alshabaab.

Sidoo kale afhayeenka wuxuu sheegay in gacanta lagu dhigay waxyaabaha qarxa oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay iney sii socon doonaan baaritaanada ciidamada ay sameynayaan ee lagu dhowrayo amaanka shacabka Soomaaliyeed ee kusugan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com