Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Sacuudiga, kadib weerarradii Xuutiyiinta Yemen

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay weerarro gantaallo ah oo Jimcihii kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ku qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee magaalada Riyadh, kaas oo dhaliyay dhimashada ugu yaraan illaa saddex qof iyo dhawaca dhowr qof oo kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa marka hore si adag u cambaareysay weerarradan, waxayna tilmaamtay inay khatar ku yihiin madaxbannaanida Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo amniga gobolka.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa xadgudub weyn ku tilmaamtay weerarrada joogtada ah ee ay kooxda Xuutiyiinta ku hayaan gudaha dalka Sacuudiga, kuwaas oo sii xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Abha iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee King Khalid ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, weerarradaas oo sababay dhimashada dad rayid ah iyo dhaawaca dad kale oo badan. Weerarradani waxay xadgudub weyn ku yihiin sharciga caalamiga ah, waxayna khatar toos ah ku yihiin madaxbannaanida Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo amniga gobolka,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in garab istaag buuxa  ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Sacuudi Carabiya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, maadaama dowladda Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka xeebaha ku leh Badda Cas, waxay aaminsan tahay in amniga gobolka Gacanka iyo Badda Cas uu si dhow ula xiriira amnigeeda,” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sidaas darteed, Dowladda Soomaaliyeed waxay ku baaqeysaa in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada lagu beegsanayo kaabeyaasha rayidka. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaska dadkii ku dhintay weerarrada, Sidoo kale, waxay u rajeynaysaa dhammaan dadkii ku dhaawacmay weerarradaas caafimaad degdeg ah”.

Si kastaba, Weerarrada Riyadh ayaa kusoo beegmay xilli ciidamada Sacuudi Carabiya ay kordhiyeen duqeymaha cirka ee ay ka fulinayaan gudaha Yemen, gaar ahaan caasimadda Sanca oo ay maamulaan Xuutiyiintu.

Dagaalka ayaa si weyn u xoogaystay toddobaadyadii u dambeeyay, kaddib markii Xuutiyiintu ay bishii September horumar militari ka sameeyeen xeebaha Badda Cas, iyagoo la wareegay dhul ku dhow marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab. Horumarkaasi ayaa Sacuudi Carabiya ku kallifay inay dib u xoojiso faragelinteeda militari ee Yemen, iyadoo taageero cirka ah siinaysa ciidamada dowladda ee isku dayaya inay dib ula wareegaan deegaannada ay Xuutiyiintu qabsadeen.

- Advertisement -

Read more

Local News