Dowladda SOMALIA oo ka hadashay khasaaraha weerarkii Saxafi & masuuliyiinta ku geeriyootay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkii ka dhacay hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dhacay waaberigii saaka markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen hotelka.

Wasiirka warfaafinta dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo la hadlay idaacada dowlada ayaa sheegay iney ka warhayaan geerida ku timid masuuliyiinta ka tirsanaa dowlada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in dhamaan dadkii weerarka soo qaaday ay ku dhinteen weerarka kadib markii ay iska caabin kala kulmeen ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Laamaha amaanka ayuu sheegay iney hadda la wareegeen gacan ku heynta hotelka saaka uu weerarka ka dhacay, wuxuuna xaqiijiyay in dadka dhintay ay ahaayeen rag dowlada ka tirsan iyo ganacsato Soomaaliyeed.

Ma uusan xaqiijin tirada rasmiga ee ku geeriyootay weerarka saaka Alshabaab kusoo qaadeen hotel Saxafi.

Sawiro laga soo qaaday hotelka ayaa muujinaya burbur xoogan oo soo gaaray dhismaha hotelka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com