DF oo isku sii baahineysa gobolka Sh/ Hoose iyo al-Shabaab oo gacan ku gabad ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Somalia ayaa lasoo warinayaa inay isku sii baahinayaan Degmooyin iyo Deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamada oo garabsanaaya ayaa iminka inta badan gacanta ku dhigay Saldhigyo badan oo ay ka arimin jireen maleeshiyaadka al-Shabaab, halka laga gacan maroojiyay goobo cusub.

Goobaha ugu badan oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowlada oo qiyaastii dhan 60% ayaa ah goobo muhiim ah oo ay ka duuli jireen maleeshiyaadka al-Shabaab.

Ciidamada dowlada ee ku sugan Gobolka Shabellaha Hoose ayaa wixii ka danbeeyay sanadii 2017 isticmaalaayay Hubka meelaha fogfog wax ka gumaada iyo diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ka jooga Somalia.

Ciidamada dowlada ayaa sidoo kale maleeshiyaadka al-Shabaab kaga guuleystay isticmaalka Sunta ‘’Indhaha ka ilmeysiisa’’ ka hor inta aysan qaadin duulaanka.

Deegaanada ugu badan oo ay gacanta ku hayaan ciidamada ayaa hoostaga Degmada Aw-dheegele waxaana xusid mudan in halkaa ay ka sameystaan deegaano caadi ah.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa horay u sheegay in hanaan wanaagsan ay kusoo gacan galin doonaan Gobolka Shabellaha Hoose, oo ay maamuli doonaan ciidamada dowlada.

Waxa uu Farmaajo sheegay in inta ka harsan dowladiisa ay xooga saari doonaan amniga iyo inay shabaab ka saran dhammaan Gobolada dalka oo ay ugu horeyn doonto Shabellaha Hoose.

Dhinaca kale, al-Shabaabka Shabellaha Hoose ayaa kusii qulqulaaya Gobolada Jubbooyinka oo ay ka sameysanayaan Saldhigyo cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Sponsored Ads -