DF oo ka hortagtay weerar ay qorsheynayeen Shabaab

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Kismaayo (Caasimadda Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa sheegtay iney afar ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qacida ku dileen meel u dhaw Baar-Sanguuni oo aan ka fogeyn magaalada Kismaayo.

Taliska waxey sidoo kale sheegteen iney dhaawaceen saddex kale, waxeyna talaabadaan timid markii ay ciidanka xoogga qeybta 43-aad ka war heleen weerar gaadmo ah oo ay damacsanaayeen dagaalyahanada ku sugan deegaanada Jubbooyinka.

Sarkaal ka tirsan ciidanka qeybta 43-aad ee xoogga dalka oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay iney dagaalyahanada ka furteen saanad military, sidoo kalana ay dhibaato xoog leh gaarsiiyeen.

Inkastoo aan dhanka kale war laga helin, hadana waxaa jiray dagaal deegaanka Baar-Sanguuni ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.